Safaaradda dowladda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa shalay digniin amni kasoo saartay gobolka Doolo ee dhulka Soomaali Galbeed, ee ay Itoobiya xoogga ku haysato.
Digniintu waxay sheegtay in ay jiraan in ay jiraan khataro sii kordhaya oo ay sheegtay in ay ku wajahan yihiin dadka ajaanibta ah, oo ay ku jiraan muwaadiniinta Mareykanka.
Mareykanku wuxuu shaqaalihiisa ka mamnuucay inay halkaas u safraan iyada oo aan oggolaansho gaar ah la siin, wuxuuna muwaadiniintiisa kula taliyey inay ka fogaadaan deegaanka.
"Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa ka warqabta khataro suurtagal ah oo wajihi kara dadka ajaanibta ah, oo ay ku jiraan muwaadiniinta Mareykanka, kuwaas oo ku sugan Aagga Doolo ee Gobolka Soomaalida ee Itoobiya.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxa kale oo safaaraddu ay intaasi raacisay "Sababo la xiriira khataraha sii kordhaya ee wajahaya dadka ajaanibta ah ee ku safraya Aagga Doolo, shaqaalaha dowladda Mareykanka looma ogolaanayo inay u safraan aagga Doolo iyada oo aan la helin ogolaansho gaar ah.”
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa ugu dambayn loo soo jeediyey in aysan u safrin gobolka Doolo, iyadoo safaaraddu aysan caddeyn nooca khatarta jirta, iyo cidda ka dambaysa.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
